RSS

Kooxda Barcelona Oo Xalay La Baartay Dhulkana Lagu Garaacay

21 Apr

Kooxda Barcelona oo ah horyaalka Champions-legue ayaa waxaa xalay Qabsatay Lama arag iyo Lama Maqal ka dib markii ay ka dagtay garoonka Jose-Benyaza ee kooxda Inter-Milan

Inta badan dadka daawanayay ciyaartaasi waxaa ay ku hanweynayen in kooxda Barcelona shaki aanu kaga jirin in ay ciyaartaasi Maamulan doonto, hase ahaate kooxda Inter ayaa waxaa ay la soo baxaday ilko Libaax

Daqiiqadii 15 ee ciyaarta Qaybteeda hore ayaa waxaa weeraryahanka kooxda Barcelona ee Rodriguez keenay Goal xamaasad galiyay ciyaaryahanada kooxda Inter Milan

Waxaana ciyaarta ay noqotay ii taabo oo Tartiib ii sii kubada Taasina waxaa ay keentay in kooxda inter Milan u sahashay in daqiiqadii 30 ee ciyaarta in Gool qurux badan ka dhaliyo shabaqii wardiyaha uu ka ahaa Valdes Kubada weraryahanka kooxda inter Milan W. Sneijder

oo ciyaarta ka dhigay bar bar dhac waxaan ay ku soo dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta bar bar dhac ah, hase ahaate waxaa la isku

soo noqday qaybtii danbe ee ciyaarta waxaana gacanta ku dhigay kubada ciyaaryahanada kooxda Inter Milan oo garoonkooda lagu ciyaarayay Macalin Guwerdiyola ayaa waxaa uu ka fakaray sidii uu

guul ku keeni lahaa Garoonka kooxda martida u ahaayeen ee Inter Milan isgoona keenay ciyaar yahano badal ah daqiiqadiihii u horeyay ee kaambiyaha

Jose Morinho ayaa waxaa ka muuqatay in xaalada kubada cagta ee garoonkiisa gacanta ugu jirto arintaasi ayaa suuro galisay in daqiiqadii 48 ee qaybtii danbe ee ciyaarta Maicon keeno goolkii Guusha ee Kooxda Inter Milan

Sawaxanka garoonkuna waxaa uu ahaa mid aad u sareye ka dibna waxaa sii kordhay werarka kooxda Inter milan taasi oo jihada ka dhumisay kooxda Barcelona waxaan ugu yaraan kaararka digniinta qaatay kooxda Barcelona ilaa 5 ciyaar yahan oo mid ka mid ah ka maqnaan doono lugta danbe ee garoonka kooxda Barcelona waana kabtabka kooxda Barcelona Puyol

Ciyaaryahan diego Milito oo isgu noqdayninka ugu Hobsetka badan ciyaarta ayaa markan iska ilaaliyay waxaana uu daqiiqadii 61 keenay Goalkii ay ku samirtay Barcelona

hadaba markii ay ciyaarta soo dhamaatay ayaa waxaa halkaas ka hadlay maclin Morinho oo sheegay in ciyaartani ay ahayd mid si aad ah u jilicsaneed oo inta badan uu maamulayeen ciyaaryahanadiisa ee garoonkooda joogay

waxaana uu rajeyay marka la tago garoonaka Barcelona in ay midaasi mid la mid ah ka dhigi doonan oo xalay ay kusoo dhameyen 3-1 oo guusha ku raacday kooxda Inter Milan

Mohamed A Rashiid
Madaxa Boga Superz09

Advertisements
 
Comments Off on Kooxda Barcelona Oo Xalay La Baartay Dhulkana Lagu Garaacay

Posted by on April 21, 2010 in Uncategorized

 

Comments are closed.

 
%d bloggers like this: