RSS

Ciyaaryahanka Xulka Qaranka Portugal ee NANI oo la sheegay in uu ka maqnaan doono Koobka Aduunka

09 Jun

Bosaso: Warakii ugu danbeeyay ee kasoo baxaya dalka Koonfur Afrika oo lagu ciyaarayo koobka aduunbka ayaa sheegaya in weeraryahanka dhanka midig ee Portugal iyo Manchester United Nani uu ka haray ka qeyb galka koobka aduunka dhaawac kasoo gaaray garabka awgeed.

Nani oo la rumeysnaa inuu lafdhabar u noqon doono Portugal ayaa aad uga niyad jabay dhaawacan cusub iyo xilliga uu kusoo aaday, waxaana la sheegay in dhaqsaba lagu bedelay ciyaariyahan aan weligiis u safan qaranka dalkiisa oo lagu magacaabo Ruben Amorin.

Dhacdadan waxa ay sii qafiifineysaa rajadii yareyd oo ay Portugal ka qabeen in ay meel wanaagsan ka gaaran tartankan weyn. Laakiin Nani kali kuma aha xidigaha dhaawac dartiis uga maqnaanaya koobka aduunka, waxaa horey kabaha isaga tuuray rag ay kamid yihiin Ballack, Ferdinand, Essien, Obi Michel iyo sidoo kale kuwo kale oo laga yaabo in ay kasoo bogsan waayaan dhaawacyo gaaray waxaana ka soo qaadan karnaa, Drogba, Robben, Pirlo, Barry iyo kuwo kale.

Hadaba waxaan isku dayeynaa inaan mar walba idinla socodsiino wararkii ugu danbeeyay koobka aduunka insha allaah.

Advertisements
 
Comments Off on Ciyaaryahanka Xulka Qaranka Portugal ee NANI oo la sheegay in uu ka maqnaan doono Koobka Aduunka

Posted by on June 9, 2010 in Uncategorized

 

Comments are closed.

 
%d bloggers like this: