RSS

Maxaad Ka Ogtahay Sababaha Is Casilada Wasiirada Dowlada

09 Jun

Bosaso:Markii ay soo baxdey sheekada is casilaada ayaa waxaa durba la isla dhexmaray sheekada Shariif Axmed uu wadaa matii Cabdullaahi Yusuf baa,

kadib markii Cabdullaahi Yusuf iyo Raysalwasaarihiisi Cali Geedi ay is qabteen ayuu Cabdullaahi Yusuf ka codsadey golaha xukuumaddu in ay is casilaan taas oo dastuurku dhigaayey haddii golaha wasiiradu sadex qaybood laba kamid ah ay shaqada baneeyaan xukuumaddu waa dhacaysaa, waxaana magaalada Baydhabo hal maalin isku casiley 19 wasiir, laakiin Geedi uma joojin arintaas markiiba waxa uu magacaabey raxan kale oo qorsshahoodu ahaa “Mar uun wasiir idhaha”.
Iscasilaada wasiiradan ayaa ah mid ka gedisan tii Baydhabo, inkasta oo ay dhici karto in ay hordhac u tahay Filimkii hore ee Baydhabo.
Wasiiru Dawlahii Gaashaandhiga
Yusuf Maxamed Siyaad Idhacadde oo isagu ahaan jirey hogaamiye kooxeed dagaal, ayaa ku biirey dawladda federaalka xili ay u baahneyd, Mr.Indhacadde waa ku khasbanaa in uu u galo Dawladda markey arintu soo istaagtey laba daran mid dooro ama dil ama is dhiib.
Magacaabida loo magacaabey Yusuf Maxamed Siyaad Wasiiru Dawlaha Gaashaandhiga isaga ayaa afkiisa laga maqley oo saxaafadda u sheegay in uu yahay wasiiru dawle, waxaana uu jaranjarta ka dhacay markii eedeyn aad u weyn uu Raysalwasaaraha dusha uga tuurey markaas oo uu moodaayey in Raysalwasaaruhu dabayshadey duulimaadna sugaayo, waxaana tan iyo maalintaas uu awood u waayey in uu galo xafiiska Raysawasaaraha sidoo kale waxa ka go’ay dhamaan sahaydii uu ka heli jirey Amisom iyo dawladda.
Qarax lala beegsadey gawaari uu saarnaa Indhacadde iyo wasiiro kale oo madaxtooyada ka yimid ayuu dusha uga tuurey in qarxaas laga hagaayey Madaxtooyada, taas oo xireysey alabaabkii uu ku lahaa dawladda, waxaana uu maanta ku dhawaaqey in uu isaga baxay dawladda oo dhan, xog hoose ayaa sheegaysa in Indhacadde uu dalka ka baxaayo una duulaayo dalka Uganda halkaas oo xaasaskiisu degan yihiin, arintaan waxa ay hoosta ka xariiqeysaa qormo aan ka qorey maalintii uu sheegay in Raysalwasaaruhu xiriir la leeyahay al-Shabaab, waxaana qormadaas ku tilmaamey in aanu dawladda ku sii jiri karin (Yusuf Indhacadde iyo Mustaqbalkiisa Siyaasadeed) .
Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada
Xassan Macalin Nuur waxa uu ahaa wasiiru dawlaha madaxtooyada,ma ahayn nin wejigiisa laga bartey saxaafadda, laakiin xog hoose oo aan helnay ayaa sheegaysa in sababta uu isu casiley wasiirku ay tahay kadib markii shirkad weyn oo ka mid ah shirkadaha Soomaaliya ay ugu deeqdey Dawladda Federaalka lacag gaaraysa 80,000$ oo Dollarka Maraykanka ah, lacagtaas oo loogu talo galay in masjid weyn looga dhiso madaxtooyada, Wasiirka ayaan ka jawaabin halka lacagtaasi martey, arintaas oo culeys ku noqotey Wasiiru dawlaha, waxaana uu muddooyinkii la soo dhaafey ku sugnaa dalka Ingiriiska.
Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta Sare
Cabdullaahi Maxamed Oomaar oo mar soo ahaan jirey wasiirka arimaha dibadda, waa nin aqoon yahan ah isla markaana aad uga dhexmuuqdey dawladda markii uu ahaa Wasiirka Arimaha Dibadda, inkasta oo Cabdullaahi Oomaar uu aad ugu dhawaa Madaxweynaha marka la eego khilaafkii soo dhexgalay xukuumadda ayaa haddana dadka aadka u yaqaanaa sheegayaan in Cabdullaahi uu la qabsan waayey dawladda 2km aan dhaafsiisneyn, taas oo khilaafka haystaa ay u dheertahay dagaal aan joogsi lahayn, waxaana uu inta badan yahay nin ku sugan dalka dibadiisa.
Wasiirada ayaa dhamaantood ku eedeeyey xukuumadda ay ka tirsanaayeen waxqabad la’aan sidaasna ay isu casileen, waxaa dadka qaarkiis qabaa in ay tahay intaan lagu casilin is casil, waxaana hadda saaran miiska Raysalwasaaraha liis cusub oo dhawaan lagu dhawaaqayo.
Si kastaba ha ahaatee waa wax lagu yaqaan Dawladaha Soomaalidu markii ay waxqaban waayaan in ay gondaha isla galaan isla markaana warankooda iyagu isku soojeediyaan, lamana garan karo halka uu caga dhigan doono khilaafka isu badalay mid aamusan laakiin hoosta ka holcaaya, waxaana dhici karta in koox kale oo ku fikir ah Madaxweynaha ay dhawaan is casilaan

FIIRO GAAR AH QORAALKA WAXAA ISKA LEH
I.Haji Said

Advertisements
 
Comments Off on Maxaad Ka Ogtahay Sababaha Is Casilada Wasiirada Dowlada

Posted by on June 9, 2010 in Uncategorized

 

Comments are closed.

 
%d bloggers like this: