RSS

Michel Ballack iyo Joe Cole Ayaa Maanta La shaaciyay In ay ka Tagayan Chelsea Fc

09 Jun

Bosaso:Michel Ballack iyo Joe Cole ayaa la sheegayaa inuu dhamaaday xilli ciyaareedkoodii Chelsea kadib markii ay adkaatay is afgarad ku saabsan heshiis cusub oo dhex mara iyaga iyo kooxdooda.

Ninka wakiilka ka ah Ballack oo lagu magacaabo Michael Becker ayaa sheegay in lasoo afjaray 4 sano oo wada shaqeyn ah, wixi hada ka danbeeyana uu guda galayo sidii uu xiddigan ugu heli lahaa koox cusub, waxaana lasoo sheegayaa inuu ku biiri karo kooxda Real Madrid oo uu macalin u yahay ninkii isaga keenay Chelsea macalin Jose Mourinho.

Sidoo kale Joe Cole oo 7 sano lasoo qaatay Chelsea ayaa la heshiin waayay kooxda waxaana laga yaabaa inuu ku biiro mid kamid ah kooxaha waaweyn ee dalka Ingiriiska oo laga xusay Manchester Utd, Arsenal iyo Tottenham

Superz09@hotmail.com
M Tollman

Advertisements
 
Comments Off on Michel Ballack iyo Joe Cole Ayaa Maanta La shaaciyay In ay ka Tagayan Chelsea Fc

Posted by on June 9, 2010 in Uncategorized

 

Comments are closed.

 
%d bloggers like this: