RSS

Patric Evra Oo sheegay Sanadka in Natiijo Ay ka keeni donan Koobka Aduunka

13 Jun

Nairobi: Kabtanka wadanka Faransiiska Patric Evra ayaa aaminsan in u cayaaridiisa kooxda Manchester utd ee dalka Ingiriiska ay u suura galisay in uu hogaamiyo xulka wadanka Faransiiska ee tartanka koobka adduunka.

Evra oo lix bilood oo dhibaato ah la kulmay markii uu ku biiray kooxda Manchester utd kana soo tagay kooxda Monaco bishii Janaayo 2006 ayaa sheegay in isaga ugu dambeyn uu ka baxsaday imtixaankii iyo waqtigii adkaa ee uu soo maray.

Daafaca Dambeedka bidix ee xulka Faransiiska Evra ayaa xirtay kabtanimada xulkii qaaday koobka adduunka 1998-dii ee Faransiiska kadib Henry oo keydka ka galay iyo Viera oo laga soo tagay.

Cusman Juba
X Nairobi

Advertisements
 
Comments Off on Patric Evra Oo sheegay Sanadka in Natiijo Ay ka keeni donan Koobka Aduunka

Posted by on June 13, 2010 in Uncategorized

 

Comments are closed.

 
%d bloggers like this: