RSS

Shakira Oo Indhaha Ku Haysa Bolly-woodka India

18 Jun

Fanaanada reer Columbia ee asalkeedu yahay Lubnaan ayaa waxey shaacisay inay daneyneyso inay wax ka matasho ama ku luqeeyso heeso qeyb ka noqon doona Shirkada filimada Hindiga ah ee Bollwyood;

iyadoo fananaada sidoo kale xustay inay aad u jeceshahay Qaabka iyo ciyaarta lagu soo bandhigo aflaamta Hindiga sidaa darteed ay waligeed is weydiin jirtay goorta ay ka qeyb qaadan doonto

Shakira ayaa dhawaan booqan doonta magaalada Bombay iyadoo ku sameyn doonto heeso waxeyna ku balansanyahiin halkaasi fanaanka qora heesaha ee Bollywood oo lagu magacaabo Salim Sulaiman asigoo sheegay mar uu saxaafada u waramayay inuu u dhiibi doono Shakira heeso English ah laakiin uu ku jiro xoogaa Hindi sahlan.

Bollywood-ka ayaa u muuqda mid haatan soo jiidanayo fanaaniinta caalamiga iyadoo dhawaan ay hees u sameeyeen aflaamta Hindiaga fanaaniin waaweyn sida Kelly Monigue, Akon, iyo waliba Snoop Dog.

Fanaanada Shakira ayaa todobaadkii tagay waxey ka qeybgashay xafladda Furitaanka Koobka Adduunka iyadoo halkaasi kasoo qaadday heestii ay Africa ku amaantay ee la magacbaxday Waka Waka waxaana jira warar hoose oo sheegaya in dhawaan ay hees lasoo waddo fanaanka Soomaaliyeed ee K’naan oo isaguba heestiisa noqotay astaanta koobka adduunka.

Info@superz09.co.uk
MOhamed A Rashiid

Advertisements
 
Comments Off on Shakira Oo Indhaha Ku Haysa Bolly-woodka India

Posted by on June 18, 2010 in Uncategorized

 

Comments are closed.

 
%d bloggers like this: