RSS

Xulka Qaranka Farance Oo Xalay Murug ka Qaaday Ciyaartii Mexcio

18 Jun

Galkacyo: Javier Hernandez iyo Cuauhtemoc Blanco oo ciyaarta badal ku soo wada galay ayaa kala dhaliyay 2-0 ay Mexico ku jajabisay rajadii France ay ka laheyd koobka aduunka, waxeyna haatan French u muuqataa in ay ku hari doonto wajiga 1aad ee Group A.

Hernandez ayaa goolka ugu horeeyay ee ciyaarta dhaliyay daqiiqadii 64aad ee ciyaarta. Goolkaasi wuxuu ahaa mid taariikh u leh Hernandez maxaa yeelay awoowihiis, Tomas Balcazar, ayaa Mexico u dhaliyay goolkii ay France ka dhaliyeen koobkii aduunka ee 1954.
Blanco ayaa goolkiisa wuxuu ahaa mid rigoore ah oo uu dhaliyay daqiiqadii 79aad markii Eric Abidal uu goobta ganaaxa ku legday Pablo Barrera,.

Mexico hada waxey isku dhibco yihiin Uruguay, oo ay wada leeyihiin min 4 dhibcood. Halka France iyo South Africa ay min hal dhibcood wada leeyihiin laakiin wali waxey heystaan fursado ay ku soo bixi karaan.

France waxaa qasab ku ah iney ka badiso South Africa laakiin waa in aysan Mexico iyo Uruguay aysan bareejo ku dhamaan oo ay kala badiyaan.

Raymond Domenech, wuxuu u muuqdaa iney ku dhacayaan wixii ku dhacay 2008 koobkii qaarada yurub markaasoo iyagoo aan wax gool ah dhalin isla markaana guuldarooyin xanbaarsan ka soo haray tartankaasi.

Jeremy Toulalan ciyaarta talaada ma ciyaari doono taasoo ay la ciyaarayaan South Africa markii uu 2 jaalle qaatay, sidoo kale Efrain Juarez ayaa sidaasi si la mid ah ugu maqnaan doona ciyaarta Uruguay f.

Nimco Cali
Superz09@hotmail.com

Advertisements
 
Comments Off on Xulka Qaranka Farance Oo Xalay Murug ka Qaaday Ciyaartii Mexcio

Posted by on June 18, 2010 in Uncategorized

 

Comments are closed.

 
%d bloggers like this: