RSS

Xulka Qaranka Nigeria Oo Xaaladiisa Adagtahay

18 Jun

Garowe: Xulka kubada cagta Nigeria ayaa halis ugu jiro inuu ka haro koobka aduunka markii dhabarka loo saariyey guuldaradii labaad ee tartankan kulan ay maanta la yeehseen xulka Giriiga oo kusoo dhamaaday 2-1.

Giriirga oo aan hore u badin kulan ka tirsan koobka aduunka isla markaana aan weligood gool ka dhalin koobka aduunka ayaa maanta taariikhda wadankaas wax badan ka bedelay markii ay dhaliyeen goolkoodii ugu horeeyey isla markaana ay heleen dhibicdii ugu horeysey koobka aduunka.

Nigeria oo bilowgiiba la wareegtay maamulka cayaarta ayaa heshay goolkii 1aad hogaankana qabatay daqiiqadii 15aad ee cayaarta markii uu cayaaryahan Kalu Uches boloziyoon kasoo gamay meel goosha u jirta 30 mitir shabaqana ku nasatay.

Nigeria ayaa ka cayaar wanaagsaneyd xulka Giriiga una muuqatay iney la hoyaadi doonaan 3da dhibic ilaa nus saacii ugu horeeyey uu garsooraha calaamada guduudan u taagay cayaaryahan Sani Keita oo haraanti macno daro ah ku dhuftay Vassilis Torosidis markaasoo sawirkii cayaarta uu guud ahaan is bedelay.

Giriiga oo markii hore isku haleynayey cayaar difaac ah ayaa bilaabay iney soo weerar tagaan qadka dhexena kala wareegaan Nigeria.

Goolkii bareejada ayaa yimid markii uu cayaaryahan Salpingidis darbo uu gamay sii maratay Lukman Haruna kuna nasatay shabaqa kaasoo aad u farxad geliyey guud ahaan reer Giriiga oo goolkoodii ugu horeeyey ka dhaliyey koobka kubada cagta aduunka.

Qeybtii 2aad ayey xulka Giriiga halkoodii kasii wadeen weeraradii ay kuhayeen goolka Nigeria, inkastoo labada xulba ay fursado waa weyn heleen hadana goolka guusha waxaa shabaqa la helay cayaaryahan Torosidis oo ka faa`iideystay darbo uu soo tufay boortaha Nigeria xulka Giriigana usuura geliyey iney markii ugu horeysay badiyaan kulan ka tirsan koobka aduunka

C.Casiis Isxaaq Xasan
superz09@hotmail.com

Advertisements
 
Comments Off on Xulka Qaranka Nigeria Oo Xaaladiisa Adagtahay

Posted by on June 18, 2010 in Uncategorized

 

Comments are closed.

 
%d bloggers like this: