RSS

England Vs Algeria 2010 Oo Xalay isku AGdhacay

19 Jun

Kampala: Algeria ayaa lugaha ku dhagtay xulka England oo ay isla dhaafi waayeen a 0-0 sidaana dhibcihii ay ku kala qaateen, natiijadaasi waxey qarka u saareysaa xulka England iney wareega 1aad ee koobka aduunka ku harto.

Wayne Rooney ayaa garoonka ka soo baxay isagoo aan wax gool ah dhalin kulankii 7aad ee isku xiga, si weyn ayaa looga gacan sareeyay xulka , waxeyna kulankooda ugu danbeeya u taala shaqo aad u adag si ay ugu fogaadaan iney koobka ka haraan.

Natiijadaasi waxey Group C hogaankiisa u dhiibeysaa Slovenia oo 4 dhibcood ku hogaamineysa , iyadoo ciyaarta kama danbeysta ah ay England la ciyaari doonto Slovenia halka United States ay la ciyaari doonaan Algeria.

Slovenia ayaa group-ka ku hogaamineysaa 4 dhibcood, England iyo the United States ayaa min 2 dhibcood isla leh. Halka Algeria ay hal dhibic ka leedahay.

Macalinka Algeria Rabah Saadane ayaa wuxuu sheegay inuu la yaabay qaabka ay u ciyaareen xulka England oo uu ku sheegay inuu ahaa mid aad u liita.

Capello wuxuu sheegay in Rooney uusan aheyn Rooney la yaqaanay iyadoo taageerayaasha xulka ay ku oriyeen markii uu garoonka ka soo baxayay.

Deeqo Ali shirre
superz09@hotmail.com

Advertisements
 
Comments Off on England Vs Algeria 2010 Oo Xalay isku AGdhacay

Posted by on June 19, 2010 in Uncategorized

 

Comments are closed.

 
%d bloggers like this: