RSS

Germany 0 : 1 Serbia – Highlights

19 Jun

2010 FIFA World Cupô: Germany – Add to iGoogle
Germany 0 : 1 Serbia – Highlights
Germany 4 : 0 Australia – Highlights

Serbia ayaa guul daro lama filaan ah u saarisay Germany markii ay dusha ugu riday 1-0 , iyadoo ciyaarta laga saaray weereryahankoodii Miroslav Klose halka Lukas Podolski uu gool rigoore ah ka qasaariyay xulkiisa.

Milan Jovanovic ayaa goolka guusha u dhaliyay xulkiisa daqiiqadiisii 38aad sidaana loogu dhameeyay Germany.

Germany ayaa daqiiqadii 61aad waxey heshay fursad ay ku soo bareejeyn kartay goolka lagu lahaa markii Nemanja Vidic uu kubad hawada ku socota uu gacanta ku taabtay laakiin rigooradii la dhigay waxaa Podolski ka qabtay goolhaye Vladimir Stojkovic.

Natiijadaani waxey ku soo beegmeysaa xilli ay German guul weyn ku furatay koobka aduunka oo ay Australia ku soo xasuuqday 4-0 laakiin iyadiina waxaa ka yaabsatay Serbia oo markii ugu horeysay koobka aduunka ka qeybgaleysa.

Germany wali isaga ayaa hogaanka u haya Group D 3 dhibcood ayuu ku wadaa hogaanka waxaa ku soo xiga Ghana iyo Serbia, oo min 3 dhibcood isla leh, halka Australia aysan waxba ka wadan.

Ghana iyo Australia ciyaartoyda waxey ciyaari doonaan sabtid beri ah.

Germany waxey noqotay kooxdii ugu danbeysay oo ka mid ah kooxaha ugu waaweyn ee guuldaro loo saaiyo.

Garsooraha reer Spanish Alberto Undiano ayaa noqday garsoorihii ugu jaalle bixinta badnaa markii uu 9 jaalle bixiyay.

Advertisements
 
Comments Off on Germany 0 : 1 Serbia – Highlights

Posted by on June 19, 2010 in Uncategorized

 

Comments are closed.

 
%d bloggers like this: