RSS

Cesc Fabregas Oo Si gaadma ah Loogu Galiyay Funanada Barcelona

13 Jul

Ciyaarhanka khadka dhexe uga ciyaara kooxda Arsenal ee reer England Cesc Fabregas ayaa markii ugu horeysay wuxuu si buuxda shaaca uga qaaday in uu baaqi ku ahaan doono garoonka Fly Emirates ee waqooyiga magaalada London, isagoo meesha ka saarey wararkii ku aadanaa in uu aadi doono garoonka Camp Nou ee kooxda Barcelona.

Xidiga 23 jirka ah ee soo dhisey goolkii guusha Spain ee ay ku qaadeen koobka aduunka 2010 ka dib markii uu baas qaabeysan uu u dhiibay ciyaaryahan Andres Iniesta daqiiqadii 116-aad ayaa wuxuu xusey in niyadiisa iyo qalbigiisa ay jirto kooxda Arsenal.

Fabregas oo horey 50 milyan uu ugu baayacay macalinkii hore ee kooxda Barcelona Pep Guardiola ayaa hada u muuqda in uu la joogi doono kooxda Arsenal ee lagu naaneyso Gunners ama qorileyda.

Macalinka kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa si qayaxan ugu sheegay madaxweynaha kooxda Barca Sandro Rosell in inaanay ku jirin wax go’aan ah oo ay ku iibinayaan kabtan Fabregas.

Cesc Febregas ayaa docdiisa wuxuu sheegay in ku qanacsan yahay in uu sii joogo garoonka Fly Emirates isagoo yiri “Waxa kaliya ee aan dhihi karaa waa in guusha koobka aduunka ay tahay guul u soo hoyotey dhamaan ciyaaryahanada kooxda Arsenal iyo taageerayashooda”.

Faberagas ayaa sii raaciyey “Waxaan aad ugu han weynahay inaan ahay ciyaaryahan Arsenal ka tirsan”.

Advertisements
 
Comments Off on Cesc Fabregas Oo Si gaadma ah Loogu Galiyay Funanada Barcelona

Posted by on July 13, 2010 in Uncategorized

 

Comments are closed.

 
%d bloggers like this: