RSS

Diego Forlan oo Qaatay Kubada Dahabka Ama Laacibka Aduunka

13 Jul

Ciyaaryahanka Qaranka Urugway Ahna laacibka Kooxda At:Madrin ee dalka Spain ayaa waxaa uu ku guuleystay Abaalmarinata Xidiga aduunka Taasi Oo loo bixiyo Kubada dahabka ah “Golden Bal”

Diego Forlan ayaa waxaa uu abaalmarintaasi ku helay Tiro aad u farabadan oo Codadkii ay dhiibteen wariyeyaasha kubada cagta ka faaloda waxaana soo abaabulay FIFA,

Ka sokow Forlan waxaa kaalinta labaad galay ciyaaryahanka Xulka Qaranka ee xalay Guul darestay ee Holland Wesley Sneijder,

Diego Forlan ayaa waxaa uu ahaa laacibka kaliya ee dhaliyay Goolasha ugu Yaabka badan ee koobka aduunka dhinaca Xirfada marka la fiiriyo waxaana sidaa ku codayay Tiro badan oo Wariyeyal dhinaca Kubada cagta ka faaloda,

Waxaana u sii caawiyay guushani markii uu noqday Xulka Qaranka wadankiisa Qaranka kaliya ee ka haray Qaramadii Laatiinka America ee looga haray Kubada cagta Taasi oo loo sababeyay in Forlan uu lug ku lahaa Guulaha dalkii Urugway,

Forlan ayaa waxaa uu ka hadalay abaalmarintaasi waxaanu sheegay in uu aad ugu faraxsan Yahay in uu kala hoydo koobka aduunka Isagoo ah xidiga koobka aduunka waxaana uu sheegay in arintaasi ay u Suurtagaliyeen ciyaaryahanada kale ee dalkiisa U safta

Mohamed A Rashiid

Advertisements
 
Comments Off on Diego Forlan oo Qaatay Kubada Dahabka Ama Laacibka Aduunka

Posted by on July 13, 2010 in Uncategorized

 

Comments are closed.

 
%d bloggers like this: