RSS

Wesley Sneijder Oo Ku jiheysan Man Utd

13 Jul

Xidiga xulka qaranka Holand kana mid ah ciyaartoyda laf dhabarta u ah kooxda Inter ee reer Talyaani Wesley Sneidjer ayaa muujiyey hamigiisa jaceylka uu qabo in uu ka ciyaaro garoonka Old Trafford ee kooxda Manchester United ee wadanka England.

Sneijder oo 26 sano jir ah ayaa kooxda Inter wuxuu la qaadey Champions League, Serie A and Copa Italia xili ciyaareedkii la soo dhaafey, waxaana uu ka mid ahaa xidigigii reer Holand ee Spain ciyaartii Finalaha ay ka faro maroorsatey koobka aduunka 2010.

Sneijder wuxuu sheegay inaanu dhimin hamigiisii ku aadanaa in uu ka tago kooxda Inter oo uu aado Man U, walow macalinka cusub ee kooxda Inter Rafa Benitez uu ku dagaalamayo in uu

Sneijder garoonka Sen Siro ee kooxda Inter.

Inkastoo qoyska uu ka dhashey Wesley ay aad ugu qalqaalinayaan in uu aado Man U hadana xaaskiisa Yolanthe Cabau van Kasbergen oo ah gabar Model ah isla markaana Telefsihin ka shaqeysa ayaa waxay aad ugu niyad wanaagsan tahay in Wesley uu joogo Talyaaniga.

Laakiin war uu qorey wargeyska Daily Star ayuu kiu sheegay in qaar ka mid ah qoyska Sneijder ay aad ugu riixayaan in uu aado Old Trafford.

Sneijder qoyskiisa qof ka tirsan ayaa sheegay in ay doonayaan in uu aado Man U , isagoo xusey in aad uga niyad jabsan yahay inaanay ka hadlin sanad ka hor markii 20 milyan oo doolar uu uga soo wareegay kooxda Real Madrid ee reer Spain.

Warar aan si buuxda loo shaacin ayaa sheegaya in macalinka kooxda Man U Si Alex Ferguson in uu doonayo Wesley, isagoo ku baayacaya 50 milyan oo doolar, isagoo 25 milyan oo faaido ah u saaraya kooxda Inter lacagtii ay kaga soo gadatey ciyaaryahankaasi Real.

Laakiin war goor dhaweyd ay baahiyeen Telefshinada ka faalooda arimaha ciyaaraha ayay ku sheegeen in Ferguson uu sheegay inaanu jirin wax dalab uu ku doonayo Wesley, isagoo meesha ka saarey wax dhaqaale ah oo uu ku baayacay ciyaaryahankaasi.

Dhinaca kale waxaa jira warar sheegaya in macalinka cusub ee kooxda Real

Jose Mourinho in uu doonayo in keeno garoonka Senteig Santiago Bernabeu, isagoo sidoo kale isha ku haya xidiga kooxda Liverbool Steven Gerrard.

Isha warkan SBC Bosaso

Advertisements
 
Comments Off on Wesley Sneijder Oo Ku jiheysan Man Utd

Posted by on July 13, 2010 in Uncategorized

 

Comments are closed.

 
%d bloggers like this: