RSS

Ramires Oo Lacag Badan ay kala soo baxday Chelsea Fc

06 Aug

Difaaca reer Brazil Ramires ayaa ku biiri doonta kooxda horyaalka English Premier League ee Chelsea, taasoo 22 million oo euros, kaga soo gadatay kooxda Benfica.

Ciyaaryahankaan oo 23-sano jir ah ayaa waxaa heshiiskiisa ka dhiman inuu maro oo kaliyaha baaritaankiisa caafimaad.

Ramires wuxuu Benfica u yimid bilowgii xagaagii dhamaaday isagoo ka yimid horyaalka Brazil gaar ahaan kooxda Cruzeiro.

Lacagaha lagu kala iibsaday ciyaaryahankaan Benfica waxey ku leedahay boqolkiiba 50 halka 50 kale ee soo haray ay leeyihiin koox ganacsato ah oo fadhigeedu yahay a Britain.

Ramires wuxuu noqon doonaa ciyaaryahankii 2aad ee Chelsea ku biira sanadkaan marka laga yimaado xiddiga reer Israeli Yossi Benayoun oo five million pounds loogu soo gatay Liverpool

Xigasho BAR-KULAN

Advertisements
 
Comments Off on Ramires Oo Lacag Badan ay kala soo baxday Chelsea Fc

Posted by on August 6, 2010 in Uncategorized

 

Comments are closed.

 
%d bloggers like this: