RSS

Becham Oo laga Cayriyay Qarnaka dalka England

13 Aug

Macalinka England Fabio Capello ayaa u sheegay captain-kii hore ee xulkaasi David Beckham inuusan boos danbe ugu banaaneyn xulka qaranka ciyaarihiisa ,

isla markaana uu isku diyaariyo xaflad iyo ciyaar sagootin ah oo lagu qaban doono garoonka Wembley dabayaaqada sanadkaan.

Hadalkaan ayaa wuxuu macalinka ka soo baxay kadib kulankii ay 2-1 ka adkaadeen Hungary xalay ciyaar saaxiibtinimo oo ay ku wada ciyaareen Wembley.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Los Angeles Galaxy waa ciyaaryahanka 2aad ee ugu safashada badan xulkaasi wuxuu saftay ilaa iyo hada 115 kulan, hayeeshee dadiisa oo 35 sano jir ah ayaa sabab u ah in ciyaaraha xulkiisa loo diido.

Capello , hadalkaasi ka soo baxay si toos ah uguma oran Beckham, laakiin wuxuu ka sheegay shir jaraaid oo uu qabtay.

“waxaan filayaa in David uu ku qanci doono intaasi isla markaana uu yimaado kulankiisii ugu danbeeyay ee xulka kaasii ka dhici doona Wembley oo ah mid lagu sagootinayo.”

Kulankaan oo ahaan doona mid saaxiibtinimo waxaa wada ciyaari doona France iyo England bisha November.

Beckham kulankiisii ugu horeeyay ee caalami ah wuxuu saftay September 1996 kaasoo ahaa mid ay wada ciyaareen Moldova iyo England, xaga safashada waxaa ka sareeya Peter Shilton oo xulka u saftay 125 kulan.

Waa ciyaaryahanka kaliyaha ee England u ciyaaray ee 2 mar laga saaray ciyaaraha gaar ahaan, kulankii Argentina 1998 koobkii aduunka iyo kii Austria isreebreebka koobka aduunka 2005

M TOLLMAN
Bosaso

Advertisements
 
Comments Off on Becham Oo laga Cayriyay Qarnaka dalka England

Posted by on August 13, 2010 in Uncategorized

 

Comments are closed.

 
%d bloggers like this: