RSS

Ronaldo Oo Jecel in uu Ku Laabto Horyaalka Ingiriiska

02 Aug

Xiddigga xulka qaranka Portugal iyo kooxda Real Madrid, Cristiano Ronaldo ayaa ka dhawaajiyay inuu malin un ku noqon doono horyaalka Ingiriiska ee Premier League, hadalkaasi oo uu ka sheegay shir jaraa’id oo ku qabtay dalka China.

Cristiano Ronaldo ayaa bilihii aynu soo dhaafnay waxa ay kooxda Manchester City oo ka dhisan dalka Ingiriiska u soo bandhigtay lacag badan oo ay ku doonayso inay cayaaryahanka dib ugu soo celiso horyaalka Premier League, hase yeeshee Ronaldo waxa uu ka gaabsaday ku biirista kooxdaasi.

Ronaldo oo 26 jir ah ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay la joogista Real Madrid, isagoo xusay inay kooxdu haatan isu diyaarineyso kulanka adag ee Supercopa oo ay kaga hortegi doonto kooxda ay xifaaltaman ee Barcelona, kulankaasi oo dhici doona 14-ka bishan August.

“Waqti weliba waa muhiim inaad guuleysato, sidaa awgeed hadda waxaan diiradda saareynaa inaan ku guuleysano Supercopa” ayuu yiri Ronaldo.
Cristiano Ronaldo ayaa isaga tegay kooxda Manchester United sanadkii 2008-dii, xilligaasi oo uu ku biiray kooxda Real Madrid.

Nimco Cali
SPZ Galkacio

Advertisements
 
Comments Off on Ronaldo Oo Jecel in uu Ku Laabto Horyaalka Ingiriiska

Posted by on August 2, 2011 in Uncategorized

 

Comments are closed.

 
%d bloggers like this: