RSS

Yuusuf Garaad oo Maanta Soo Gaaray Muqdisho

10 Aug

Madaxii hore laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da Yuusuf Garaad Cumar ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

Yuusuf Garaad Cumar ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho waxaa kusoo dhoweeyey xubno katirsan Dowladda Soomaaliya iyo kuwo horay uga tirsanaa.

Hadal kooban oo uu saxaafadda siiyey ayaa waxa uu ku sheegay in uu yahay saxafi ruug caddaa ah oo dib ugu soo laabtay dalkiisa.

Yuusuf Garaad waxa uu xusay in uu soo galay siyaasadda hase yeeshee si rasmi ah afkiisa ugama sheegin in uu yahay musharax balse waxa uu sheegay in ay la tashi samayn doono kadibna go’aan qaadan doono.

Madaxii hore ee laanta afka Soomaaliga BBC-da ayaa ka hadlay xaaladda dalka waxaana uu ugu baaqay dad haysta hantida aysan lahayn in ay iska wareejiyaan isaga oo dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay is cafiyaan.

Yuusuf Garaad Cumar ayaa dhowaan iska casilay xilka Agaasimaha laanta afka Soomaaliga ee BBC-da oo uu ahaa ilaa sanadkii 2000.

Yuusuf Garaad ayaa dhowaan shaaciyey in uu yahay musharax u taagan xilka madaxtinimada Soomaaliya.

Advertisements
 
Comments Off on Yuusuf Garaad oo Maanta Soo Gaaray Muqdisho

Posted by on August 10, 2012 in Uncategorized

 

Comments are closed.

 
%d bloggers like this: