RSS

Alex Song New Contrect With Barcelona this Season

20 Aug
superz09

superz09

  • Alex Song ayaa si rasmi ah ugu biiray kooxda Barcelona dib markii uu maray tijaabada caafimaadka kooxda Barcelona.
  • Ciyaaryahanka reer Cameroon ayaa saxiixay heshiis shan sanno ah, isagoo Gunners uga soo tagay heshiis 15 milyan ginni.

Song oo sabtidii aan ku jirin kooxdii Arsenal ee ciyaartya Premier League ayaa kooxda reer Spain waxa uu dib ugala midoobayaa Cesc Fabregas oo hore Emirates Stadium ay kawada ciyaari jireen.

 

Heshiiska ayaa goordhow qalinka lagu duugay, iyadoo 24 jirkaan saxaafada loo soo bandhigi doono berri.

Dhaqtarka kooxda Barca Ricard Pruna ayaa u sheegay website-ka kooxda:

“Waxaa jirkiisa ku jirta xadi aad u yar oo cadiin ah, waxaana uu leeyahay murqo tayo wanaagsan leh. Uma maleynayo inuu dhaawac ka soo gaaray murqaha tan iyo intii uu 17 jir ahaa. Waana war wanaagsan. Baritaanadii oo dhan waxa ay u dhaceen si wanaagsan, diyaar ayuuna u yahay inuu ciyaaro.”

Song ayaa ahaa xilli ciyaareedkii hore ahaa ciyaaryahanka ugu caawinta badan Arsenal Premier League isagoo gacan ka geystay ilaa iyo 11 gool.

Advertisements
 
Comments Off on Alex Song New Contrect With Barcelona this Season

Posted by on August 20, 2012 in Uncategorized

 

Comments are closed.

 
%d bloggers like this: