RSS

Ronaldo Oo Jecel in uu Ku Laabto Horyaalka Ingiriiska

Xiddigga xulka qaranka Portugal iyo kooxda Real Madrid, Cristiano Ronaldo ayaa ka dhawaajiyay inuu malin un ku noqon doono horyaalka Ingiriiska ee Premier League, hadalkaasi oo uu ka sheegay shir jaraa’id oo ku qabtay dalka China.

Cristiano Ronaldo ayaa bilihii aynu soo dhaafnay waxa ay kooxda Manchester City oo ka dhisan dalka Ingiriiska u soo bandhigtay lacag badan oo ay ku doonayso inay cayaaryahanka dib ugu soo celiso horyaalka Premier League, hase yeeshee Ronaldo waxa uu ka gaabsaday ku biirista kooxdaasi.

Ronaldo oo 26 jir ah ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay la joogista Real Madrid, isagoo xusay inay kooxdu haatan isu diyaarineyso kulanka adag ee Supercopa oo ay kaga hortegi doonto kooxda ay xifaaltaman ee Barcelona, kulankaasi oo dhici doona 14-ka bishan August.

“Waqti weliba waa muhiim inaad guuleysato, sidaa awgeed hadda waxaan diiradda saareynaa inaan ku guuleysano Supercopa” ayuu yiri Ronaldo.
Cristiano Ronaldo ayaa isaga tegay kooxda Manchester United sanadkii 2008-dii, xilligaasi oo uu ku biiray kooxda Real Madrid.

Nimco Cali
SPZ Galkacio

 
Comments Off on Ronaldo Oo Jecel in uu Ku Laabto Horyaalka Ingiriiska

Posted by on August 2, 2011 in Uncategorized

 

Becham Oo laga Cayriyay Qarnaka dalka England

Macalinka England Fabio Capello ayaa u sheegay captain-kii hore ee xulkaasi David Beckham inuusan boos danbe ugu banaaneyn xulka qaranka ciyaarihiisa ,
Read the rest of this entry »

 
Comments Off on Becham Oo laga Cayriyay Qarnaka dalka England

Posted by on August 13, 2010 in Uncategorized

 

Ricardo Carvalho Oo si Rasmi ah ugu wareegay Real Madrid

Carvalo sxb anigaa aduunka kubaray ee iga soo gaar meel qatar ah ayan tagaye

<img

Read the rest of this entry »

 
Comments Off on Ricardo Carvalho Oo si Rasmi ah ugu wareegay Real Madrid

Posted by on August 13, 2010 in Uncategorized

 

Ramires Oo Lacag Badan ay kala soo baxday Chelsea Fc

Difaaca reer Brazil Ramires ayaa ku biiri doonta kooxda horyaalka English Premier League ee Chelsea, taasoo 22 million oo euros, kaga soo gadatay kooxda Benfica.
Read the rest of this entry »

 
Comments Off on Ramires Oo Lacag Badan ay kala soo baxday Chelsea Fc

Posted by on August 6, 2010 in Uncategorized

 

Torres Oo Aqbalay In uu sii Joogo Garoonka Anfeld

Torres oo 26 jir ah ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu ka hoos cayaaro tababaraha cusub ee Liverpool Roy Hodgson.
Read the rest of this entry »

 
Comments Off on Torres Oo Aqbalay In uu sii Joogo Garoonka Anfeld

Posted by on August 6, 2010 in Uncategorized

 

Diego Forlan oo Qaatay Kubada Dahabka Ama Laacibka Aduunka

Ciyaaryahanka Qaranka Urugway Ahna laacibka Kooxda At:Madrin ee dalka Spain ayaa waxaa uu ku guuleystay Abaalmarinata Xidiga aduunka Taasi Oo loo bixiyo Kubada dahabka ah “Golden Bal”
Read the rest of this entry »

 
Comments Off on Diego Forlan oo Qaatay Kubada Dahabka Ama Laacibka Aduunka

Posted by on July 13, 2010 in Uncategorized

 

Wesley Sneijder Oo Ku jiheysan Man Utd

Xidiga xulka qaranka Holand kana mid ah ciyaartoyda laf dhabarta u ah kooxda Inter ee reer Talyaani Wesley Sneidjer ayaa muujiyey hamigiisa jaceylka uu qabo in uu ka ciyaaro garoonka Old Trafford ee kooxda Manchester United ee wadanka England.
Read the rest of this entry »

 
Comments Off on Wesley Sneijder Oo Ku jiheysan Man Utd

Posted by on July 13, 2010 in Uncategorized